fidid dherer
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fidid dherer
Linear Expansion

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiradheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax garasho wanaagasan ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiiradheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax garasho wanaagasan ahaansho (qof). m.f.dh, fiiradheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiiradheer
der. [adjective] far-sighted, wise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiiradheer
-aa/ayd: (adj) observant (obseervant); foresighted; far-seeing caqlibadan, aragtidheer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiiradheer
de: far-sighted, wise
lx: fiiradheer
pd: (fiiradheeraa)
ps: adj-der
see: fiiro
key: fiiradheer
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mici dheer
Crag and tail
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiira dheer
adj., idiom: perceptive, astute, wise, far-sighted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidhoror
-ka: (magac, lab, keli) weerar dad lagu qaaday waqti fiid ah. Dh: fiid-gooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiixdheer
(Qiixdheer-ta)
Kix; (ama xiiqdheer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiixdheer
m.dh Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac, neefraac iyo matag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiixdheer
m.dh Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac, neefraac iyo matag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiixdheer
f. n. whooping cough
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiixdheer
-ta: (n) whooping cough (huuping koof)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiixdheer
-ta: (magac, dhedig, keli) cudur carruurta ku dhaca oo qufac iyo xummad badan u keena. Ubadka qiixdheerta ka tallaala. Dh: kixi, qixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiixdheer
de: whooping cough
lx: qiixdheer
pd: (-ta)
ps: n0-f
syn: kix
key: qiixdheer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqdheer
(tilmaame) aan hore u daalin oo aan xiiqin. Faras riigdheer ah ayaa lagu dagaalgalaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiiqdheer
(Xiiqdheer-ta)
Kix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiiqdheer
xiiqdheer¹: m.dh Cudur qufac badan leh oo carruurta ku dhaca. la-mid: kix.
xiiqdheer²: m.dh (daawo) Cudur la isqaadsiiyo ee muddo gaaban, inta badanku dhaca caruurta oo uu keeno caabuq (mucosa) xuubka malaaska ee cunaha baktiiriyumka loo yaqaan “bordatella pertussis”. Kalhuuriska oo ah 1-2 toddobaad ka dib waxa bilowda xaako, qandho fudud, qufac iyo cunno xumo. Qufacu wuxu noqdaa mid soo noqnoqda soona kordha: qofacyo gaagaaban oo isku xigxiga waxa raacaya neef jeed khasab ah taas oo sameyneysa codkii kixda. Waxa sida badan dhacda dhiigbax sanka iyo afka ka yimaada iyo matag qufaca xiriirka ah ka yimaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiiqdheer
xiiqdheer¹: m.dh Cudur qufac badan leh oo carruurta ku dhaca. la-mid: kix.
xiiqdheer²: m.dh (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo ee muddo gaaban, inta badanku dhaca caruurta oo uu keeno caabuq (mucosa) xuubka malaaska ee cunaha baktiiriyumka loo yaqaan 'bordatella pertussis'. Kalhuuriska oo ah 1-2 toddobaad ka dib waxa bilowda xaako, qandho fudud, qufac iyo cunno xumo. Qufacu wuxu noqdaa mid soo noqnoqda soona kordha: qofacyo gaagaaban oo isku xigxiga waxa raacaya neef jeed khasab ah taas oo sameyneysa codkii kixda. Waxa sida badan dhacda dhiigbax sanka iyo afka ka yimaada iyo matag qufaca xiriirka ah ka yimaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiiqdheer
f. n., [compound] whooping cough, pertussis, croup
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiiqdheer
-ta: (n) whooping cough (huu-ping koof); pneumonia (na-moo-niya); bronchitis (boron-kaay-tes); respiratory disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiqdheer
-ta: (magac, keli) qixi aad u xumaata o qufaca la soosaari kari waayo. Dh: kixdheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiiqdheer
de: whooping cough, pertussis, croup
initial: x
lx: xiiqdheer
pd: (-ta)
ps: n0-f-cmp
key: xiiqdheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiid'horor
(Fiid'horor-ka)
Fiidgooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiid-horor
fiid-horor¹: m.l 1. Weerar dad lagu qaaday waqti fiid ah. 2. la-mid: fiid-gooyo.
fiid-horor²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Waqti fiid ah dad weerar ku qaadid. 2. Fiid-horaad wax qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiid-horor
m. n., [compound] milking at dusk
fiid-horor: v., [compound] attack ~ assault early in the evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiid-horor
(fal) milayga fiidka, weerar gaad.
fiid-horor-ka: (magac, lab, keli) eeg fiidgooyo.
fiid-horor-ka: (magac, lab, keli) maalidda xoolaha fiidka hore la maalo, hore loo maalo. Dh: fiidgooyo, fiidmaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidweerar
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiid-horor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firijideer
m.l (-rro, m.dh) Qaboojiye. la-mid: firijiteer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firijideer
m.l (-rro, m.dh) Qaboojiye. la-mid: firijiteer. firiley m.dh 1. Meseggo. 2. Badar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firijideer
-ka: (magac, lab, keli) qalab wax lagu qaboojiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldherer
-ka: (magac, lab, keli) qof ama neef fooshu ku raagto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
risiqdheer
-ta: (magac, dhedig, keli) qaalin geela oo aan hanaqaad ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimridherer
m.l la-mid: cimridheeraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimridherer
-ka: (magac, lab, keli) marka noole uu waqti badan noolaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiira_dheer
de: perceptive, astute, wise, far-sighted
lx: fiira dheer
ps: adj-idiom
xe: The student is perceptive
xv: aygarad
key: fiira_dheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiradheeri
m.dh la-mid: fiiradheeraan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiiradheeri
-da: (n) foresight (foor-sayt); prudence (puruu dhansi); discretion (dis kareeshin), forethought il-dheeri, aragti dheeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiradheeri
-da: (magac, dhedig, keli) garaadbadni iyo indheergaradnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirodheeri
-da: (magac, dhedig, keli) aragti fog oo xagga maskaxda ah. Dh: aragti, maskax, garasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimri-dherer
Half-life
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidhidadhexe
m.dh (botani) Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
Jiitin dheer
— ama –
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeebis-dherer
m.l (-ryo, m.dh) (baayoloji) Nooc ka mid ah sida ay u habaysanyihiin qaybaha iyo organnada xayawaanku kaas oo jidhka loo qaybin karo laba badh oo ah hummaagyo muraayadeed oo mid waliba sallax goonniya saaranyahay. Xayawaan-nada jeebis dherer waxay leeyihiin hab dhaqdhaqaaq oo u goonniya, kaas oo had iyo jeer hal dhinac jidhka u hoggaamiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidhida-dhexe
m.dh (botani) Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jldhida dhexe
Maquis